Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu danbeyn shaaciyey xilliga uu furmayo Baarlamaanka Federaalka.
Mudane Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu furmi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso. Wuxuu intaas ku daray in Ajandaha kulanka uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo mooshinka Jawaari qabtay 14-kii bishan ayay ku qaadatay muddo 11 maalmood ah inuu waqti u qabto mooshinka.