Guddoomiyihii guddiga madaxa bannaan ee Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Caasho Geelle Diiriye ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaasi.
Caasho Geelle Diiriye ayaa sheegtay inay xilka isaga casishay sababo badan oo lasoo gudboonaaday awgood,waxaana ay u mahadcelisay dhamaan dadkii la soo shaqeeyay iyo xubnaha guddiga.
Caasho Geelle waxay sheegtay inaysan ahayn Is-casilin balse ay guud ahaan banneysay xubintii ay ka ahayd guddigan madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka.Waxay sabab uga dhigtay walaac ay ka muujisay qaabka shaqo ee guddiga isla markasna aysan dadku farxad gelin mudada uu guddiga jiray iyo wixii laga faliyay oo aan u qabsoomin.
Dhageyso codka Caasho Geelle
Caasho Geelle oo ka qeyb gashay shirkii wadatashiga madaxweynaha dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamulada dalka ka jira ayaa markaas sheegtay in caqabado waaweyn guddigeeda hor yaallaan taaso keentay inaysan wax badan u qabsoomin.
Is casilaadda Caasha Geelle ayaa dhabarjab weyn ku noqoneysa dadaalkii dowladda Federaalka ugu jirtay in wax looga qabto mid ka mida howsha ugu muhiimsan hiigsiga cusub 2016 oo ah dib u eegisa dastuurka. Waxayna wararka qaarkood sheegayaan in culeys badan maamulka Puntland saaray Caasha Geelle.
Waxaa guddigan la magacaabay Bishii May 2014-ka wuxuuna ka kooban yahay shan Xubnood oo Caasho Geelle ayt guddoomiye u ahayd .
Xubnaha guddiga waxay kala yihiin
1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Xasan Xusein Xaaji
Lama oga sida arrintan u saameyn doonto guddigan, laakiin Puntland ayaa dooneysay in xubin ay iyagu soo magacaabaan loogu daro guddiga.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]