Senatoorada Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansaxiyay xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka mid noqnaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka.
Shanta xubnood ee Aqalka Sare ka socota, lana ansixiyey maanta ayaa kala ah:
1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4. Senator Saalax Axmed Jaamac
5. Senator Xasan Xuseen Xaaji
Senator Cabdi Qeydbiid ayaa kusoo laabtay Guddigan oo uu Barlamaankii hore Guddoomiye u ahaa, waxaana laga waayey senator ka tirsan Puntland, iyagoo Jubbaland ay laba Senator ka socdaan, taasoo dhalisay su’aallo isu dheelitirka maamul Goboleedyada.
Waxaa muuqata in 5-ta xubnood ee Aqalka Sare loo qeybiyey 4.5, iyadoo xubintii Puntland ka imaan lahayd uu qaatay Senator C/llaahi Fartaag oo kasoo jeeda Puntland.
Puntland oo aan la dhacsaneyn sida Madaxweyne Xasan Sheekh u magcaabay Ra’iisal wasaaraha cusub Xamza Cabdi, ayey tallaabadan ka dhigeysnaa mid kale oo lagu riixayo, waxaana laga cabsi laga qabaa inay ka hor timaado.

