Mdaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta tegay magaalada Gaalkacyo, isagoo si kulul uga hadlay duqeyntii ka dhacday Bariga Mudug.
Cabdi Qeybdiid ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, isagoo khudbad u jeediyay dadweyne fara badan oo maalintii saddexaad bannaanbax ka wada magaalada, kaasoo ay uga soo horjeedaan duqeyntii lagu dilay askar ka tirsan Galmudug.
Madaxweyihii hore ee Galmudug khudbadiisa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka inay guddi u soo diraan halka duqeyntu ka dhacday si xaqiiqada loo taabto.
Cabdi Qeybdiid wuxuu farriin ugu diray maamulka Puntland isagoo u sheegay in dadka la dilay ay yihiin walaalahood, ayna ku khaldameen, laakiin ay xisaab u geli doonto. “Annagu markii Puntland wax ka dhacaan ama qarax ka dhaco waan la xanuunsanaa, iyaguse baroordiiqdeena waa ku farxeen…” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
DHAGEYSO CODKA CABDI QEYBDIID
Wadani.com