Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan xalinta khilaafaadka siyaasiyiinta reer Waqooyi ee Doorashada.
Kulankii labaad oo dhex mara Rooble iyo Cabdi Xaashi oo goor dhoweyd soo dhammaaday ayuu Cabdi Xaashi ugu gudbiyey Ra’iisal wasaaraha go’aan ka kooban saddex qodob oo lagu xalin karo is mari waaga doorashada ee siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland.
Cabdi Xaashi ayaa iska diiday dalabkii Rooble ee ahaa in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada Kuraasta labada Gole ee kasoo jeeda Somaliland, isgoo si cad ugu sheegay inaan masiir umadeed la wareejin karin.
“Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu kuugu wargelinayaa inaan masiir umadeed la wareejin karin ee ay dadka reer Waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo hubinta madax bannnaanida Doorashada 57-da kursi ee ay ku leeyihiin labada Gole” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi.
Qodobadda uu soo jeediyey Cabdi Xaashi waxaa ka mida:
1- In guddoomiyaja Aqalka sare iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay noqdaan hoggaanka wadajirka ah ee haga doorashooyinka xildhibaannada Somaliland.
2- Dib u mideynta guddiga doorashooyinka ee SEIT.
3- In guddiga SEIT ay iska dhex doortaan 8-da xubnood ee deegaan doorashada Somaliland ka imaanaya, haddii ay ismari waayaanna loo sameeyo isla guddoon sida lagu heshiiyey 19-kii June 2020.
HOOS KA AKHRISO

