Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Cabdi Xaashi oo kashifay Xaqiiqada Khilaafka ka taagan Doorashada xubnaha Gobollada Waqooyi (Akhriso)

    Cabdi Xaashi oo kashifay Xaqiiqada Khilaafka ka taagan Doorashada xubnaha Gobollada Waqooyi (Akhriso)

    February 17, 2021Updated:February 17, 20213 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee ka dambeysa khilaafka ka taagan Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

    Qoraal uu soo saaray maanta ayuu ku faahfaahiyey inuusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha arrinta Gobollada Waqooyi, isla markaan aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah  oo isku haya doorashada, balse xaqiiqada mushkiladu tahay qorshaha iyo damaca  lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha waqitigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa  rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka.

    Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aan wax tixgelin ah laga siinin shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Dhuusamareeb Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday & Xukuumadiisa inay dadaaal adag u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland, isla markaana ay faafiyeen warar ay kamid yihiin inay heshiiyeen iyo in guddiga loo qeybiyay.

    Sidoo kale qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu soo bandhigay 4 Qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi ee Soomaliland, kuwaas oo kala ah.

    1: In ay si madax banaan u maamulaan Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi  habsami u socodka nidaamka doorashooyinka labada Aqal ee Gobolada Waqooyi si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020.

    2:  Dejinta habraacyada gaarka u ah  doorashada xubnaha labada Aqal ee Gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa Aqalka Sare.

    3: Dhismaha Guddiga doorashooyinka & hubinta hirgelinta howlaha doorashooyinka heer waafaqsan nidaamka Guud ee doorashooyinka dalka .

    4: Xulashada  Goobta ay ka qabsoomeyso  doorashada , hubinta amaankeeda iyo xaqiijinta in ay soo geli karaan dhamaan ergooyinka iyo musharixiinta tartamaya, Warbaahinta & Goobjoogayaasha.

    “Mudanayaal waxaan idinla socod siineysaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha aan kor kusoo xusnay , sidoo kale aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah  oo isku haya doorashada, balse mushkiladu tahay qorshaha  iyo damaca  lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa  rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka.

    Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in dadka kasoo jeeda Gobolada waqooyi ay xaq u leeyihiin diyaarna u yihiin  inay ka qeyb-galaan oo taladooda ku biiriyaan kulamada dambe ee looga hadlayo xal u helida arrimaha ku gadaaman hirgelinta doorashooyinka dalka si ay ku dheehan tahay midnimo iyo Soomaalinimo.

    Warkan kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli guddiyada ka kala socda Dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada ee ku shiray Baydhabo ay shaaciyeen inay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka dalka.

    Aqalka sare Cabdi xaashi Doorashada Farmajo Shirka Baydhaba Xildhibaannada Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo weerar ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Mudug iyo maleeshiyo looga dilay
    Next Article Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la faray inay Guryahooda joogaan (Akhri sababta)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo