Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa soo saaray habraaca maamulka Doorashada xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland).
Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Guddiyada Doorashada ee ay magacawday xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna dhinaciisa ka magacaabay Guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, waxaana habraaca uu maanta soo saaray ku cad shuruudaha Doorashada xildhibaananda kasoo jeeda Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa taageero ka heysta Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirada kasoo jeeda Somaliland, isagoo aaminsan inuu heli doono dhammaan xildhibaannada ka imaanaya Somaliland.



