Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Calanka Soomaaliya oo 66 sano jirsaday: Taariikhda Calanka iyo Xusuustii sameyntiisa (Akhriso)

    Calanka Soomaaliya oo 66 sano jirsaday: Taariikhda Calanka iyo Xusuustii sameyntiisa (Akhriso)

    October 12, 2020Updated:October 12, 20205 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maanta oo ah 12-ka Oktoober ayaa ku beegan sannad guuraddii 66aad ee helida Astaanta ama CALANKA Qaranka Soomaaliyeed. Maalintan ayeysan qiimaheeda dad badan oo Soomaali ah aysan la socon, taasi oo ay sabab u tahay sida ay u wiiqantay Wadanimadii Soomaaliyeed.

    Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12-kii Oktober 1954-tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan. Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa.

    Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

    Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa haka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah. Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub iyo Itoobiya.

    Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya ayaa dalka Soomaaliya u kala qeybsaday shan qeybood oo kala ahaa:

    1- Koonfurta Soomaaliya oo ah (Gobolada Puntland iyo inta kale ee kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta dalka) xiligaasi gacanta ku hayey dalka Talyaaniga.

    2- Waqooyi Galbeed oo uu hada ka dhisan yahay maamulka Somaliland, oo uu gacanta ku hayey Ingiriiska.

    3- Soomaali Galbeed oo hadda Itoobiya ka tirsan tahay gacantana ugu jirta.

    4- Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingiriiska.

    5- Jabuuti oo xiligaasi gumeysanayey dowladda Faransiiska.

    Midabka Calanka

    Midibka CADAAN-ka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, BULUUGA-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, BADA, CIRKA(Hawada) iyo DHULKA. Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka BIYAHA oo ah Aasaaska Nolosha.

    Soo Bandhigidii Calanka

    Dr. Cabdulkadir Cali Bolay oo kamid ah dhalintii SYL ee dalka Soomaaliya usoo halgamay oo ka hadlayey Ninkii hindisay astaanta Calanka Soomaaliya ayaa wuxuu yiri:

    Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Libaan.

    Hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zair sidaasi darteed aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato.
    Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid DAHAB / Huruud ah, sidaasi darteed maamulkii waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

    Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism”.

    Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 61 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

    Taariikh Kooban

    Waxaan jeclahay in aan si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degayo 61 guuraddii astaanta calanka u ah Qaranimadda shacabka Soomaaliyeed.

    Waxaana jeclahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano.

    Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

    Dhallinyaro ka kooban 13, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac-baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

    Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

    Waxaa xusid mudan 11/01/1948-dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.

    Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynkanka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

    Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

    Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

    Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacabka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah :

    Qolobaa calankee
    Kuwaa ceynoo,
    Innagaa keenu waa – Cirkoo kale’e
    Ee aan Caadna-laheyn – Ee aan Caashaqee

    Xiddig Yahee Cadibaa  –
     Naa-Ciidamisee
    Caradaan Kaligaa Aadow Curatee
    Adceeda Sideeda ee CAAN Noqo’ee

    Waxaa Tariikhda Calanka iyo SYL diyaariyey sanadkii 2015 Dr. Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii SYL. Allaha u naxariistee wuxuu geeriyooday April 2020.

    12 Oktoobar C/qaadir Boolaay Calanka Maalinta Calanka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Sarkaal ka tirsan Alshabaab iyo Darawalkiisii oo lagu qabtay dagaal
    Next Article Alshabaab oo Canshuur 13 Milyan Dollar ah ku urursatay 9 Bilood iyo Bankiyada gudaha.. (Warbixin Q/Midoobay)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo