Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa qarka u saaran inuu ku fashilmo kursi xildhibaan ee Barlamaanka Federaalka oo uu ka mid yahay musharaxiinta u tartameysa.
Kursiga Beesha Cali Madaxweyne ayaa doorashadiisa ka dhaceysaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, waxaana tartan adag uu kasoo food saaray Maxamed C/llaahi Sanbaloolshe oo kursiga hore u banneeyay, laakiin ku guuleystay inuu u xayirnaado.
Tartanka ugu adag ayaa la filayaa inuu dhex maray Sanbaloolshe iyo Cosoble oo hore saaxiibo u ahaa, waxaana ku loolamaya lix musharax oo kala ah: C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Cali C/llaahi Cosoble, Dahir Cabdulle Cawaale, Nuur Iidow Beyle, Dahabo Xasan Axmed, Xuseen Axmed Geelle.
Sanbaloolshe ayaa taageero ka heysta nabadoonka beesha iyo ergada, waxaana la sheegay inuu kursigaasi u badan tahay inuu mar kale ku soo baxo.