Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd Cali Maxamed Geedi oo hadda ka mida siyaasiyiinta sida weyn u taageera madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiiska ay gaareen xukummadda JFS iyo mucaaradka
“Ciidamada ka soo baxay goobihii ay ku hor fadhiyeen kulana dagaallamayeen argagisisada Al shabaab ee Muqdisho u yimid dagaalka siyaasadeysan iyo ciidamada difaacayey dowladnimada iyo bedqabka shacabka caasimadda Muqdisho waa wada saraakiisheenna iyo askarteenna u dhaartay ilaalinta iyo difaaca dadka, dalka iyo madaxbannaanida Soomaaliya” ayuu yiri Cali Geedi oo farriintiisa ay ka muuqatay inuu eedeynayo ciidamada ka hor yimid muddo kororsiga.
Farriintiisa ayuu ugu baaqay ciidamada inay dhowraan magaca iyo haybadda ciidamada qalabka sida iyo sharafta iyo karaamada shacabka iyo qaranimada Soomaaliyeed kana fogaadaan in ay ku milmaan arrimaha siyaasadda.
Qaar ka mida taageerayaasha Farmaajo ayaa baraha bulshada ku muujiyey inaysan raali ka ahayn heshiiska dhex maray saraakiisha ciidamada ka hor yimid muddo kororsigii Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha.
