Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Cashar ma noogu jiraa Maareynta weerarkii Dusit..? [Qormo muhiim ah & Yuusuf Garaad]

    Cashar ma noogu jiraa Maareynta weerarkii Dusit..? [Qormo muhiim ah & Yuusuf Garaad]

    January 20, 2019Updated:January 20, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi.

    Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit.

    Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit.

    Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray.

    Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso.

    Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed.

    Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon.

    Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan.

    Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba.

    Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda.

    W/Q: Yusuf Garad

    Alshabab Kenya Nairobi Dusit Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Heshiis Wada-shaqeyn Qarsoodi oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Guddoomiye Mursal
    Next Article Weriyeyaal ka tirsanaa Warbaahinta Alshabaab oo lagu dilay Duqeyn [Akhriso Magacyda]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo