War hadda soo dhacay oo ka yimid gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Tarako oo 50-km dhinaca Galbeed ka xiga magaalada Baardheere oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab.
Ciidamada huwanta ayaa kasoo dhaqaaqay deegaanka Faafax-dhuun, iyadoo tuulada Takaroay isku xirto magaalada Baardheere iyo degmada Ceelwaaq ee ku taala xuduudda dalka Kenya.
Dhinaca kale waxaa Baardheere ku wajahan ciidamada Itoobiyaanka oo jihoyoin dhowr ah ka weerarayta magaalada Baardheere.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]