Waxaa maanta mar kale dib uga bilowday Magaalada Garowe shirkii saddex geesoodka ee u dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomalaiya iyo madaxda Maamulada Puntland iyo Jubba  kadib markii isku mari waayay kulamadii shalay iyo xalay dhacay.
Shirka Garowe ayaa looga hadlayaa afar qodob oo kala ah:
- Dhismaha Maamulka Galmudug
- Guddiyada Qaranka ee la dhisay sida Guddiga Doorashada iyo kan Xuduudaha
- Dastruurka KMG ah & qodobo laga bedelay
- Shirka Qaramada Midoobay qabanqaabineyso oo Muqdisho ku dhex maraya madaxa maamulada iyo dowladda Federaalka.
Is mari waaga jira ayaa ka dhashay rabitaanka Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee ah Puntland iyo Juba ay aqoonsadaan Maamulka Galmudug iyo inay aqbalaan Guddiyada qaran iyo Xeerarka uu meel mariyay Barlamanka.
Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa si wadajir u diiday qodobadaas oo dhan, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay jebisay heshiisyo ay hore ula gashay Puntland iyo Dastuurka KMG ah.
Ra’iisal wasaare oo waanwaan hore la galay madaxweynaha Galmudug ayaa la tegay shirka Garowe in dastuurka Galmudug laga saarayo qodobka  sheegaya in xuduuda Maamulkaasi uu la leeyahay Puntland ay tahay gobolka Nugaal, laakiin madaxweyne C/weli Gaas ayaa diiday in Galmudug ay tahay maamul goboleed la siman Puntland iyo Juba, wuxuuna caddeeyay inaysan meel wada fariisan karin C/kariin Guuleed wax kastoo dhaca.
Dowladda Federaalka ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geyneysa in la aqoonsado Galmudug, balse waxaa muuqata in labadan maamul ay isku baheysteen inay faquuqaan Galmudug, tani oo salka ku haysa arrimo qabyaaladeed. Waxayna ka siman yihiin inaysan ogoleyn in Galmudug noqoto maamul jira xitaa marka la ogolaado inaysan saameyn ku yeelaneyn degaanada Puntland.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay in arrinta Galmudug uu ka gaabsanayo isagoo saaxiibo kale ku leh halkaasi, balse inta uu ku sugan yahay Garowe uu taageeray mowqifka C/weli Gaas. Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka hor yimid xaalad adag oo salka ku heysa go’aan ay Puntland ku gaartay inay go’doomiso maamulka cusub ee Galmudug.
Xigasho: Banadir.net
[ad name=”HTML-1″]