Maareeyihii hay’adda saadaasha hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cali Madoobe ayaa  xilkiisa iska casilay, iyadoo sidoo kale uu is casilay K/Xigeenkii maareeyaha Maxamuud Faarax Cigaal.
Labada mas’uul ayaa saxaafadda ka sheegay inay la shaqeyn waayeen wasiirka Gaadiidka Cali Jaamac Jangeli, ayna is casilayaan mar haddii shaqadii ay hayeen ka socon weyday wasiirka. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in wasiirk mas’uuliyiinta ay isku dhaceen kadib is faham waa ka dhashay maamulka Garoonka iyo hagida hawada sare heshiisyo hore u dhacayba uu wasiirku ka hor yimid.
Lama oga in la aqbali doono is casilaadda madaxda hay’adda duulista iyo duulimaadyada rayidka ah ee gacanta ku heysa garoonka Muqdisho, laakiin waxaa arrintan ay qaraxday markii uu fashilmay shir Nairobi ka dhacay oo looga hadlayay sidii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hagidda diyaaradaha.
Maareeyaha Hay’adda saadaasha hawada Cali Madoobe oo ku sugan  dalka Talyaaniga ayaa la sheegay inuu wasiirku hortaagan yahay shaqadooda, Wasiir Jangeli ayaan weli wax war ah ka soo saarin xiisadda iyo khilaafka ka taagan wasaaradiisa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]