War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Nabadsugidda magaalada Muqdisho ay caawa xoog ku galeen xarunta Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka wateen laba Weriye oo ka tirsan Idaacadda.
Weriyeyaasha ay kaxeysteen ciidamada galay Idaacadda Shabeelle ee Muqdisho ayaa kala ah:
1. Cali Axmed Cabdulle -(Cali Soomali) Madaxa Wararka
2. iyo Maxamed Adan Ibraahim Onkod – Weriye
Lama sheegin sababta loo xiray labadan weriye iyo waxa lagu heysto, iyadoo aanay jirin maxkamad xarigooda amartay, laakiin Idaacadda ayaa hawada ku jira oo shaqeyneysa xilligan, kadib markii ay muddo kooban hawada ka saareen.
Ciidamada galay Idaacadda ayaa u sheegay shaqaalaha inay baarayaan war ku saabsan weerar Alshabaab xalay ku qaadeen degaanka Lafoole, ayna baaritaan ahaan u wateen labada weriye ee la dhigay xabsiga Nabadsugidda.
Xoghaya guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa cambaareeyay falka ay ciidamada ku galeen Idaacadda Shabelle, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin tallaabadaasi.
Wadani.com