War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Amniga dowladda ay is rasaaseyn dhex martay Gaari hubeysan oo diiday inuu istaago bar Koontarool.
Ciidamada ayaa rasaas ku furay gaarigan oo jiiray goobta ay ku hubiyaan baabuurta ee Isgoyska Siinaay, magaalada Muqdisho iyadoo gaarigaasi uu rasaas ugu jawaabay, taasoo keenay in goobta oo mashquul ahayd lagu kala cararro.
Is-rasaaseynta ayaa la sheegay inay dhaawacyo ka soo gaartay dad shacab ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la qabtay qaar ka mida raggii hubeysnaa ee gaariga watay.