Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada amniga caasimadda ay toogasho ku dileen dabley hubeysan.
Falkan ayaa ka dhacay degaanka Xoosh ee degmada Dharkeynley, gobolka Banaadir kadib markii laba nin oo la sheegay inay hubeysnaayeen ay isku dhaceen ciidamada amniga, markii ay diideen inay hubka dhigaan oo rasaas ay is-weydaaradeen ciidamada, waxaana toogasho lagu dilay mid ak mida dableyda iyadoo mid kale la dhaawacay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qof shacab ah iyo askari ka tirsan ciidamada amniga.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan oo watay qoryaha fudud ay falal amni darro ah ka wadeen iyadoo dhac ka waday xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley, waxaana lagu sheegay maleeshiyo.
Ciidamada amniga ayaa maalmihii danbe howlgallo ka waday Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkeynley oo ku caan baxday maleeshiyo dhac iyo baad u geysta dadka degaankaasi.