Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa xalay howlgal weyn ku qaaday Mootooyinka Bajaajta ah ee aan taargada lahayn, kuwaasoo la sheegay inay qeyb ka yihiin amni darrada magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo intiisa badan ak dhacay degmada Hodon iyo degmooyinka la xiriira ayaa lagu soo qabtay ku dhowaad 60 Bajaaj, iyadoo lagu soo bandhigay saldhigga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Mootooyinka la soo qabtay ayaa ahaa kuwo aan Taargo lahayn, waxaana goobta lagu soo bandhigay booqday xubno ka mida maamulka G/Banaadir. Mootooyinkan ayaa lagu tuhunsan yahay in lagu fuliyo howlaha amni darrada ee ka dhaca magaalada.
Bisha Ramadaan ayaa si weyn waxaa u kordha falalka amni darrada iyo khaarijinta ah ee Muqdisho iyadoo ay sheegato intooda badan kooxda Alshabaab.