Ciidamada amniga G/Banaadir aya gacanta ku dhigay koox burcad ah oo dhac baahsan u geysan jirtay dadka degan xaafaadaha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howogal ay ciidamada ka howlgala Degmada Yaaqshiid sameeyeen ayaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo gacanta lagu dhigay xilli ay ku sugnaayeen xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan, markii la daba galay iyagoo ku qaraaban jiray Mooto Bajaaj.
Kooxdan oo ka kooban saddex ruux ayaa lagu xiray saldhigga degmada Yaaqshiid, waxaana intii lagu jiray howlgalka lagu soo qabtay ay la dagaalameen ciidamada Booliska, iyadoo ku hubeysnaa bistoolado.
Qaar ka mida xaafadaha Muqdisho waxaa ka howlgala burcad siyaabo kala duwan dadka ugu dhacda, iyagoo ay hoos u dhaceen muddooyinkii dambe markii dagaal ku qaadeen ciidamada Booliska.