Ciidamada Booliska ee la wareegay amniga caasimadda Soomaaliya ayaa howlgal baaritaan iyo qabqabasho ah ka sameeyay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa ka dhacay Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir, gaar ahaan agagaarka suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda ee Suuq Bacaad, kaasoo dhowaanahan ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo is daba joog ah.
waxaa howlgalka lagu soo qabqabtay dhalinyaro fara badan oo laga keenay guryahood iyo wadooyinkii ay marayeen, waxaana lagu ururiyey saldhigga Booliska, iyadoo halkaas lagu kala soocay, wuxuuna baaritaankan ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah intii Booliska uu la wareegay amniga caasimadda.
Shalay ayay ciidamada dowladda aaggaasi ku dileen dabley la sheegay inuu dil geystay iyadoo mid kalena la qabtay, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.