Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay xireen saaka weriyeyal xabsiga ugu tegay Weriga C/qaadir Faarax Dulyar oo xalay ay ciidamada kala baxeen Hotel uu deganaa.
Ciidanka booliska Beledweyne ayaa xabsiga dhigay Agaasimaha Radio Hiiraanweyn iyo ururka SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan iyo Cabdisalaan Cabdullaahi Angola oo la sheegay inuu la socday Weriye, waxaana la xiray markii ay raashin u geeyeen weriyaha.
Wararka ayaa sheegaya in xariga Dulyar iyo xubnaha kale uu amarkiisa bixiyey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyadoo loo heyso wareysi uu Weriye Dulyar la yeeshay Jeneraal Xuud oo dagaal kala horjeeda Hirshabelle, maleeshiyo Beeleedna ku abaabulay duleedka Beledweyne.
