Ciidamda AMISOM ee ka socda dalka Burudi ayaa gebi ahaan isaga guuray xarunta kulliyadda Ciidamada Jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho oo muddo dheer fariisin u ahayd ciidamadaasi.
Qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo Kuliiyadda Jaalle siyaad ayaa daba socday xarumo dhowr ah oo ciidamada Soomaaliya lagu wareejinayo amniga, waxaana hore AMISOM looga saaray Kulliyadii Gaheyr iyo Stadio Muqdisho.
Xaflad ka dhacday kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa ka dhacday xaruntaasi, iyadoo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Dowladda soomaaliya, madaxda AMISOM iyo Mas’uuliyiin kale.
Dowladda Somaliya ayaa hore u sheegtay inay Kuliyadda loo adeegsan doono tababarka saraakiisha ciidamada milateriga dowladda oo dib loogu celin doono shaqadii loogu talogalay.
SAWIRRO




