Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo ciidanka Jubbaland ay saaka hawlgallo ku qaadeen degaanada hoos taga degmadda Jamaamme.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay dagaal kula wareegeen tuulada Malayley oo kaabiga ku haysa degmadda Jamaamme ee gobolka Jubbada Hoose, halkasoo ay isaga baxeen maleeshiyada Alshbaab kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac.
Tuulada Malayley ayaa xarun u ahayd Al-Shabaab, ayadoo la rumeysan yahay in ay ku hagaajin jireen walxaha Qarxa sida Miinoyinka wadadada la dhigo oo ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan.
Lama oga in ciidamada is-kaashanaya xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku negaan doonaan halkaasi iyo inay dib uga laaban doonaan.