Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhagxaan waaweyn u rarray xaafaddaiyo Wadadda EX-Kontrol Afgooye ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Dhagxaan waaweyn ayaa la dhigay Wadadda soo gasha Muqdisho ee Ex-Koontrol Afgooye ee ka timaada degmada Afgooye iyo Gobolka Sh/Hoose, waxaana si weyn loo yareeyay gaadiidka soo gala magaalada oo intooda badan halkaas ku kal wareega, iyadoo xaafadda Galmudug lagu xiray wadooyin guud ahaan jid-cadayaasha iyo wadooyinka gala.
Gaadiidka ka yimaada Gobolka Sh/hoose oo qeybo ka mida ay gacanta ku heysto Alshabaab ayaa loo sameeyay goob kala wareeg ah, oo u dhow xarunta Ciidamada Asluubta, waxayna dadka xaafaddaasi sheegeen in dhagaxyada la dhigayo wadooyinka ay socdeen dhowr maalmood, balse xalay iyo saaka la xiray jid-caddeyaashii.
Jidka Ex-Koontrool Afgooye oo isku xira Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana ah jid mashquul badan oo ganacsi xoog leh ka socdo ayaa waxaa isticmaala gaadiidka khudaarta iyo caanaha keena magaalada, waxaana uu saameyn weyn ku yeelan doonaa kumnaan qof haddii si toos loo xiro am laga dhigo goob kala wareeg ah.
Wararka ayaa sheegaya in wadadda laga xiray hal KM, iyadoo dhisme ku bilaaban doono, sida laga soo xigtay maamulka degaanka.
DHISME KA BILOWDAY JIDKA AFGOOYE IYO MUQDISHO