Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba halkaasi oo Kooxda Shabaab ay gacanta ku hayeen in muddo ah.
Ciidamadda Huwanta oo is kaashanaya ayaa degaanka Jameeca oo kaabiga ku haya degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ka saaray Maleeshiyaadka Shabaab iyadoo uu socdo howlgalka isku furka Jubooyinka oo AMISOM dhowaan ku dhawaaqday.
Kooxda Alshabaab ayaa isaga baxday degaano badan oo ka mida Gobolada Bay iyo Gedo iyadoo dhinaca kale qaraxyo iyo weeraro khaarijin ka fulisay magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho.
Degaanada ay kooxda isga baxday waxaa ka mida Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo, Diinsoor oo ka mida degmooyinka gobolka Bay iyo Degmada Ceelbuur ee Galgaduud, waxay kaloo AMISOM iyo ciidamada dowladda ay qabsadeen degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Waxaa la filaya inuu sii socdo howgalka looga horjeedo Alshabaab.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]