Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa dib u qabsaday saaka degaano ka tirsan Gobolka Mudug oo saddex bulood ka hor ay qabsadeen maleeshiyada Alshabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuw Galmudug ayaa dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne oo bishii April ay qabsadeen Alshabaab, waxay kaloo ciidamadu qabsadeen Tuulada Qaycad iyo Sabeeno Gawrac sida uu sheegay wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiaqi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inuusan wax dagaal ahi ka dhicin degaanada ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, kadib markii ay ka Wararka ayaa sheegaya heleen, kana baxeen halkaasi maleeshiyaadkii Alshabaab.
Alshabaab ayaa maamul hoostaga u dhistay Degaanka Bacaadweyne Bishii June, waxaana halkaasi tegay guddoomihaha Alshabaab u qaabilsan Gobolka Mudug, balse waxaa mar kale is bedelay xaaladii degaankaasi.
