Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa Al-Shabaab ka burburiyay maxkamad ay Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka War-ciise ee gobolka Shabeellada dhexe.
Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada ciidamada waxay la wareegeen degaanada kala ah: War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo katirsan gobolka Shabeelada Dhexe, iyagoo cagta mariyey xaruno ay Al-shabaab lacago ugu qaadaan jireen dadka shacabka.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay inay dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise ee gobolka shabeellada dhexe.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage. Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay inay ciidamada ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan.
