Ciidaaada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hortegay oo joojiyey bannaanbax ay dhigayeen waalidiinta ay wiilashooda ku maqan yihiin dalka Eritrea.
Waalidiintay oo isku urursanayey Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobta tegay ciidamada Booliska oo ku amray inaan la ogoleyn goobta ay bannaanbax ka dhigayaan, isla markaana waxay ciidamadu hor istaageen inay warbaahinta la hadlaan waalidiintaasi.
Muddo xaaladda ay kacsaneyd kadib ayey ciidamada oo watay gaadiid ku qasbeen waalidiintasi inay isaga tagaan Isgoyska KM 4, waana markii ugu horeysay ee ciidamada Booliska loo adeegsado ka hortagga bannaanbaxyada ay dhigaan waalidiinta ay wiilasha la askareeyay uga maqan yihiin dalka Eritrea.
