Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen qarax ay soo abaabuleen Alshabaab oo loola dan lahaa degaanka Jannaale xilli uu ku sugnaa taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Jen. Odowaa Yuusuf Raage.
Sida ay shaacisay idaacadda ciidamada qaraxan ayaa lagu soo xiray Lo’ degaanka Jannaale ee Gobolka shabeelaha hoose xilli uu socdaal ku joogay taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, laakiin ciidamada ay adkeeyeen amniga Jannaale, lagana hortegay qaraxyadaasi.
Qaraxya ayaa la sheegay inay ku xirnaayeen labo neef oo Lo’ ah, waxayna ciidamadu dareemeen qaraxyada ku xiran Lo’da, iyagoo ku guuleystay inay ka badbaadiyaan dadka degaanka, sida ay sheegtay Idaacadda Ciidamadda Qalabka oo soo xigatay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku sugnaa degaanka Jannaale, isagoo halkaasi u tegay dardar gelinta howlgallada ciidanka Xoogga Dalka.
Ma jirto ilo kale oo warkan xaqiijiyey, iyadoo aan la soo bandhigin caddeyn ku saabsan Lo’da la sheegay in lagu soo xieay waxyaabaha qarxa iyo sida qaraxyadii laga yeelay.