Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada milateriga Soomaaliya, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanada duleedka magaalada Kismaayo.
Warkan oo ay qortay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in howlgal ciidanka ka fuliyeen degaannada Beer xaani iyo Gabdhoole, halkaasina lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
Waxaa kaloo ciidamadu qabteen Gaari qaraxyo saarnaayeen. Ciidamada Danab ayaa dilay saddex xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , waxa ayna la wareegeen gaarigii ay wateen kooxdaasi iyo hub.


