Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka socda diyaargarowga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo Axadda la qorsheeyay inay dhacdo.
Ciidamada dowladda ayaa si weyn u adkeeyay amniga magaalada, waxaana lagu wadaa in caawa Bandow lagu soo rogo magaalada, kaasoo socon doona inta ay ka dhaceyso Doorashada oo dhowr jeer dib loo dhigay, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Ahlu suna ee magaalada, kadib bannaanbax ay shalay ka dhacay oo lagu taageeray Sheekh Maxamed Shaakir.
Dadaal ay beesha caalamka waday si loogu qanciyo musharixiinta bannaanka ka taagan Doorashada inay ka qeyb galaan ayaa u muuqda inaan lagu guuleysan, waxaana doorashada ka qeyb geli doona musharixiintii hore oo kal ah: Afar musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo iyo shan musharax oo u taagan madaxweyne ku xigeen.