Wararka ugu danbeeya ee maanta laga helayo Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay ku sii sinqayaan magaalada Baardheere oo dhowr jiho ay ciidamo kala duwan ka kulaalayaan, sida laga soo xigtay dadka degaanka.
Ciidamada huwanta ayaa ujeedkoodu yahay inay Baardheere la wareegeen inkastoo Alshabaab ay sidoo kale ciidamo fara badan isugu geysay magaalada ugu danbeysa ee gobolka Gedo ay kaga sugan tahay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya gulufka lagu qaadayo Bardheere iyadoo ciidamada Itoobiya la sheegay inay u dhow yihiin magaalada oo wax ka yar 10KM ay u jirsadeen. Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal xoog leh ka dhaco magaalada haddii ay Alshabaab go’aansadaan inay difaacaan oo sidii looga bartay aanay ka bixin.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]