Diyaarad nooca iskeed is wada ah ee DRONE ayaa magaalada Baardheere ku duqeysay Gaari la sheega inay saarnaayeen araakiil ka tirsan Al-Shabab oo marayay meel Baardheere u dhow. Wararku waxay sheegayaan in gaariga la duqeeyay oo ay la socdeen laba hogaamiye sare Al-Shabab ka tirsanaa oo la sheegay inay duqeynta ku geeriyodeen.
Dadka degen Baardheere ayaa sheegay in meydka saraakiil ka tirsan Al-Shabab ay goobta la duqeeyay ka qaadeen maleeshiyada Alshabaab oo halkaas tegay markii gaariga la duqeeyay kadib. Goobta weerarku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa tuulada Jungal waxayna 30 Galbeed ka xigtaa Baardheere.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, laakiin Mareykanka ayaa caadiyan weeraro noocan oo kale ah ku qaaday saraakiisa Alshabaab, isagoo hore u dilay madax badan oo ka tirsan ururkaasi kana mid yahay hogaamiyahooda Muqtaar Abuu Zubeyr.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]