Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada madaxtooyada ay rasaas ku fureen Gaari ah nooca aanay rasaastu karin ee madaxda isticmaalaan.
Ciidamada ku sugan Koontaroolka Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyadaayaa rasaas la dhacay gaarihan oo la sheegay inuu isku dayay inuu maro Koontaroolka iyadoo aanan la hubin fasaxna la siin.
Rasaasta lagu furay gaarigan ayaa keentay in Gaariga ay taayarada ka banjaraan, kana baxo wadaddii uu ku socday, waxaana la sheegay in Darawalkii Gaariga waday uu diiday inuu kasoo dego.