Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka xiray Wadooyinka soo gala Tiyatarka Qaranka, taasoo keentay in dad fara badan ay ku xayirmaan.
Wararka ayaa sheegaya in jidka loo xiray xaflad qalinjebin ah oo ardayda Jaamacadda Umadda loogu qabanayo Tiyaatarka Qaranka, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya, waxay ciidamadu meelaha qaarkodo diideen dadkii lugeynayay.
Xaaladda ayaa saaka noqotay mid cakiran, iyadoo ganacsatadii iyo dadkii u socday suuqa Xamarweyne ay saacado ku xayirmeen wadooyinka la xiray, halkaasoo ay shucuurtooda ku muujiyeen sida ay u diidan yihiin xayiraadda joogtada noqotay iyo wadooyinka laga xirayo, iyagoo la hadlay warbaahinta.
Waxaa caado noqotay in Xafladaha ka dhacaya Tiyaatarka muddo dheer loo xiro wadadda Maka Almukarama, taasoo dhibaato ku keentay isku socodka dadweynaha.
