Waxaa saaka magaalada Garowe saaka ka degtay diyaaradii labaad oo ay la socdaan ciidamada ilaalada Madaxweynaha Soomaaliya oo laga duuliyey magaalada Muqdisho.
Ciidamada gaarka ah ee ilaaliyaha madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay sugayaan amnigiisa, waxayna hordhac u yihiin socdaalka uu ku tegayo magaalaad Garowe, isagoo halkaasi uga qeybgalaya munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Ciidamadan ayaa dhowaan la geeyay magaalada Baydhaba, iyadoo ay halkaasi ka dhacday caleemo-saarka madaxweynaha K/Galbeed, waxayna qaabilsan yihiin amniga madaxweynaha oo aan lagu halleyn karin ciidamada maamul goboleedyada.
Ciidamada AMISOM ayaa qaabilsan ilaalinta amniga madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxayna kaloo sugaan amniga xarumaha waaweyn sida Madaxtooyada, Baarlamaannka, Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaradaha caasimadda.