Dawladda Hindiya ayaa shaacisay in ciidamdeeda Cirka ay weerar ku qaadeen Xarumo gudaha Pakistan ku leeyihiin Maleeshiyo reer Kashmiir, taasoo sii kordhisay xiisadda dalalka India iyo Pakistan ka dhex taagan.
Weerarka ciidamada India ayaa lagu beegsaday xarumo tababar oo kooxda Jaish-e-Mohammad ay ku leeyihiin degaanka Balakot oo ku yaala xuduudka gudaha Pakistan, waxaana dowladda Pakistan ay sheegtay inay heegan gelisay ciidamadeeda cirka oo ay diyaar u yihiin jawaab ay bixiyaan.
Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibedda India, Vijay Gokhale ayaa weerarkan ku qeexay “mid ka hor-tag ah” oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jaish-e-Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka fuliso India.
India iyo Pakistan ayaa ah laba dal oo heysta hubka nukliyeerka, wuxuuna xiriirkooda si xumaaday markii dhowaan weerar lagu qaaday ciidamo India ka tirsan lagu dilay 40 asari, kadib weerar is-miidaamin ahaa oo ka dhacay Gobolka Kashmir oo ay isku heystaan labada dal
India ayaa marar badan ku eedeysay Pakistan inay kooxaha ka horjeeda India ay siiso gabaad iyo hub, ayna tallaabo ka qaadi doonto