Wraarkal aga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan degaanka Halgan uu dagaal dhex maray, kadib markii qaarkood la isku dayey in hubka laga dhigo.
Saraakiisha ciidaada Itoobiya oo heystay amar ah inay huba ka dhigaan askarta Tigreega ee ka mida ciidamada Itoobiya ayaa iska caabin kala kulmay ciidamadaasi oo diiday inay hubka wareejiyaan, taasoo keenay inu dagaal ka dhex qarxo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen askar labada dhinac ah, markii askari Tigray ah la sheegay inuu toogasho ku dilay askar kale, waxaana saldhigga ciidamda Itoobiya ee degaanka Halgan ka socda howlgal lagu xirayo ciidamada kasoo jeeda Tigray.
Warar kale ayaa sheegaya in waxa ka dhacay saldhigga ciidamada Itoobiya ee Halgan ay ahayd shil dhacay markii uu is daldalay askari kasoo jeeda Qowmiyada Oromadda, kaasoo la sheegay inuu miyir ahaan iskufiicneyn.
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa hore hubka uga dhigay ciidamada ka mida askartooda ee kasoo jeeda Tigray ee ku sugan Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 askari.