Ciidamada Itoobiya ayaa qirtay inay iyagu toogteen diyaaradii African Express ee 4-tii bishan May ku dhacday Garoonka Berdaale ee Gobolka Bay.
Qoraal uu shilkan uu ka diyaariyey Taliyaha Qeybta Saddexaad ee ciidamada AMISOM 5-tii May ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay ciidamadii Garoonka ku sugnaa uga shakiyeen inay Alshabaab u adeegsanayaan is-miidaamin, sidaasina lagu toogtay.
Qoraalka oo Saraakiisha Kenya ee ka mida AMISON u Dusiyeen Warbaahinta dalkooda ayaa lagu sheegay in ciidamada garoonka Berdaale ku sugnaa aysan ka mid ahayn AMISOM, waxaana diyaaradda lagu eedeeyay inay kasoo degeysay jiho aan ahayn tii caadiyaan diyaaradaha kasoo degaan, isla markaana aan ciidamada ku sugnaa garoonka lagu wargelin jiritaanka duulimaad imaanaya magaalada.
Diyaaradda oo ruqsad duulimaad ka heysatay Hay’adda Socdaalka iyo Duulimaadka rayidka Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya ku doodeen inaan lagu soo wargelin, waxaana arrintan mar kale dood ka dhallisay doorka ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Soomaaliya, kuwaasoo aan ka mid ahayn AMISOM.
Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan, kana midka ah AMISOM ayaa gaaraya 4,395 askari, waxayna hoos tagaan qeybta saddexaad (Sector III) ee AMISOM, halka ay dalka ku sugan yihiin kumanaan kale oo aan ka mid ahayn AMISOM.
Lama oga sababta ay baaritaanka Shilka Diyaaradeed ee ka dhacay Berdaale waqtiga dheer ugu qaadatay Guddiga loo saaray iyadoo isla 5-ta bisha ay Ciidamada Itoobiyaanka qirteen inay soo rideen diyaaradda, ayna bixiyeen sababo kala duwan.



