Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xiray haween fara badan oo Soomaali, kuwaasoo xaflad aroos ku dhigtay xaafadda Islii, kadib markii ay jebiyeen Bandowga saaran caasimadda Kenya.
39 dumar ah oo Soomaali ah ayaa xalay fiidkii laga qabtay dhismaha Nasra ee saaran jidka Spine, xaafadda Islii, iyadoo xafladda aroos ka qeyb gelaya, sida ay sheegeen Booliska, waxaana lagu xayiray goob karaantiil ah oo ay kharashka iyaga iska bixinayaan.
Booliska ayaa helay xogta arooska shalay subaxnimadii, waxayna xafladda weerar ku qaadeen iyadoo haween badan ku sugan yihiin, iyadoo haweenkaasi lagu guray Gaari Shabaqle ah oo Boolisku leeyihiin.
Cudurka Coronavirus dartiis ayaa magaalada Nairobi iyo dalka Kenya waxaa saaran bandow habeenkii ah, laakiin Soomaalida ayaa qaarkood u hoggaansamin amarrad ah inaan dad badan isu imaan karin.