Ciidamada Liyu Police ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka si lama filaan ah gudaha ugu galay degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud oo ku taalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo taabacsan dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiyaay magaalada lasoo galeen gaadiid dagaal, isla markaana xaalad cabsi iyo deganaan la’aan ah ay ka abuureen degmada.
Gudoomiyaha degmada Balanbal Jaamac Xayle Maxamuud ayaa warbaahinta u sheega in ciidamada Liyu Police ay hadda ku sugan yihiin duleedka magaalada Balanbal, iyadoo ay xiisad ka jirto degmadaasi.
Lama oga ujeedka ciidamada Degaanka Soomaalida Itoobiya u tageen halkaasi iyo xadgudubka ay ku sameeyeen gudaha Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay xadgudubyo joogto ay oo ciidamadaasi ku hayaan dhulka Soomaalida.
Dhowaan ciidamo kuwan oo kale ah ayaa Calanka Itoobiya ka taagan Tuulo ku taalla Gobolka Mudug.
Wadani.com