Howlgallo oo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobollada Shabeelooyinka ayaa waxaa Maleeshiyaadka Shabaab looga saarey deegaano dhowr ah oo ka tirsan labada Gobol.
Degaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Deegaanka Jabaluul oo dhamaan toodi ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.
Waxaa hoggaaminaya howlagaladaasi Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Jenaraal C/llaahi Cali Caanood iyo Abaanduulaha qeybta 12ka April Janaraal Maxmuud Maxamed Koronto kuwaasi oo ciidamada ku dhiiro geliyay in Shacabka ay ka difaacaan cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Shabaab.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ujeedada guud ee howlgalladan ay yihiin sidii kooxda Shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka isku xira Gobolada Shabeelada Hoose,SHabelada Dhexe iyo deegaanada ku xeeran oo inta badan Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan.
Howlgaladani ayaa ku so beegmaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Maleeshiyada Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.