Howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Milateriga Soomaaliya qaadeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, kadib weerar qabsaday ciidamo gurmad ahaa oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Dagaalka oo ka dhacay degaanka Bitaalle ee magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 4 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, waxaana fuliyey ciidamada dowladda sida uu sheegay Generaal Saalax Muumin Muuse oo ah abaanduulaha qeybta 27-aad, Guutada shanaad ee Gobolka Hiiraan.
Ujeedka weerarka ayaa ahaa howgal in gurmad loo sameeyo kooxda Macawisleyda oo dagaal dhex maray Alshabaab, iyadoo ay Alshabaab dhexda u gashay, halkaasina uu dagaal culus ka dhacay. Abaanduulaha ayaa sheegay inay ka guuleysteen Alshabaab ayna gurmad u fidiyeen maleeshiyadii Macawisleyda oo ay kasoo gudbiyeen goobtii dagaalka.
Ma jirto wax War ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo iyaduna sheegtay inay weerar duqeyn madaafiic loo adeegsaday ay ku qaaday xalay xerada ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi.