Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugidda Galmudug ay kala eryeen xildhibaano shir ku lahaa Hotel ku taala magaalada.
Ciidamada ayaa isku gadaamay hotelka Central ee magaalada Cadaadom halkaasoo lagu waday inay kulan qado ah ku yeeshaan xildhibaanadii dhowaan shaaciyay inay xilka ka qaadeen madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaanada ayaa loo diiday inay galaan Hotelka, iyadoo kuwii ku jirayna lagu amray inaan wax shir ah lagu qaban karin, taasoo ka dambeysay xaaladda degdega ah ee madaxweynaha Galmudug dhowaan ku soo rogay maamulkaasi.
Wadani.com