Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Imisa koox ayaa sheegatay Guuldarradii Faarax Sh. C/qaadir [Sawirrada lix Group oo dabaal degay]

    Imisa koox ayaa sheegatay Guuldarradii Faarax Sh. C/qaadir [Sawirrada lix Group oo dabaal degay]

    January 13, 2017Updated:January 13, 20173 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Farxad, damaashaad iyo isu hambalyeyn ayaa hareysay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la doortay Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, lagana guuleystay musharixiinta Faarax Sheekh C/qaadir, C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

    Dabaaldega iyo fantasyaha ayaa xalay oo dhan ka socday caasimadda iyo xarumaha kooxaha siyaasadeed ee doorashada, waxaana guuldarrada soo gaartay musharax Faarax Sheekh C/qaadir isku heysta ilaa lix kooxood oo kala ah:


    KOOXDA XILDHIBAAN C/QAADIR COSOBLE

    Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa xubnaha ololah weyn u galay doorashadii shalay ee ka dhex muuqday hoolka shirka, wuxuuna kadib doorashada ku dooday inuu isagu qeybta ugu weyn ku lahaa in laga adkaado Faarax Sheekh C/qaadir, taasoo uu caddeeyay inay tijaabo u tahay isbedel ku yimaada hogaanka madaxweyne Xasan Sheekh.

    Kooxda Cosoble waxay ku dagaal degeen Hotel Naasahablood 1 oo xaruntoodu tahay, waxaana halkaasi ka muuqatay farxad aan la qiyaasi karin iyo reynreyn la isugu hambalyeetay jabkii Faarax Sheekh.

    CADDOW CALI GEES

    Xildhibaan Caddow Cali Gees oo ah ganacsade iyo musharax madaxweynaha oo ay jufo hoose wadaagaan Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka mid yahay dadka sheegtay guusha, waxaana dabaaldegiisa uu ka dhacay Hotel Peace 3 ee degmada Boondheere, iyadoo casumaad loo fidiyyay dad dhowr ah.

    Xildhibaanka Caddow Cali Gees waxay arrintan iska kaashadeen C/qaadir Cosoble iyo Xildhibaan Maxamed Abuurkar Islow (Ducaale) oo ololahooda ka dhex muuqday gudaha Baarlamaanka.

    SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kooxdiisa waxay isu heystaan kooxda ugu awoodda badan gudaha Baarlamaanka, inkastoo jabkii kasoo gaaray taageeradii C/rashiid Xiddig ay madax xanuun ku riday, waxay  ku ciil baxeen guushii C/weli Muudey oo saaxiib dhow la ah Shariifka.

    Dabaaldeg iyo xaflad goor dambe la isku gaaray ayaa ka dhacday xarun ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho oo kooxda Shariif Xasan ay ka wadaa ololahooda doorashada, waxayna maanta iyo caawa sameyn doonaan xaflado kale oo awood muujin ah.

    KHADIIJA MAXAMED DIIRIYE

    Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd mushirixiinta tanaasulay waxay xalay koox fanaaniin ah ugu yeeratay hotelka ay degan tahay, halkaasoo xaflad cajiib ah oo music iyo cabitaanno aan caadi ahayn lagu dabaaldegay, waxayna aaminsan tahay in iyadu ay ahayd qofkii kala daadisay rajadii Faarax Sheekh C/qaadir, la’aanteedna aan laga adkaadeen.

    Sababta Khadiija ay sida weyn ugu mucaaraday Faarax C/qaadir ayaa la sheegay inay salka ku heyso arrimo shaqsi ah oo dhex maray oo ku saabsanaa musharaxnimadeeda iyadoo hore ka mid ahayd taageerayaasha madaxweyna Xasan Sheekh.

    ISAAQ GROUP

    Kooxda kale ee guuldarrada Faarax C/qaadir sheegtay inay ka danbeysay, isla markaana u xafladeysay waxay ahayd kooxda loo yaqaan Isaaq Group oo ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada Suuri Diiriye iyo Sugulle, kuwaasoo ku caweeyay Hotel Saxafi.

    Kooxdan oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka soo jeeda Dirta Waqooyi waxay ku kacsanaayeen Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir

    MUSHARXIINTA MADAXWEYNAHA

    Intaas oo dhan waxaa wehliya musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo farriimo isku dhaafsaday baraha bulshada ku xiriirto, kuwaaso farxad weyn ka qaaday doorashadii guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, isla markaana saadaaliyay in Xasan Sheekh iyo saaxiibkiis aysan kala hari doonin.

    Kooxaha kala duwan ee siyaasadeed waxaa kulmiyay hal hadaf oo ahaa inaysan soo noqon hogaanka dowladda Xasan Sheekh, waana halka laga yiraahdo Guushu waa dad badan tahay, guuldarraduna  waa Madi.

    Wadani.com

    Baarlamanka C/qaadir Cosoble Caddow Cali Gees Faarax C Faarax C/qaadir Shariif Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Nabadsugidda Galmudug oo kala eryay Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Guuleed
    Next Article Faarax Cabduqaadir lagama Guuleysane waa Guuleystey….!!

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo