Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyagoo gacanta ku soo dhigay laba xubnood ka tirsan kooxda Alshabaab, sida uu shaaciyey Taliska NISA.
Warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore, kaasoo ahaa keenay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigaan labada dhagarqabe ee Alshabaab ka tirsanaa sida lagu yiri warka NISA.
“Habeenimada 23-ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayey nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed, cidna wax kuma noqon.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA
Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga, inkastoo ay dhacaan dilal qorsheysan iyo falal amni darro oo waaweyn.