Warark laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad xoog leh uu dhex maray ciidamada xasilinta Muqdisho ee isku dhafka ah iyo ciidamo kale oo ku sugan Muqdisho.
Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ka dambeysay kadib markii Ciidamada Xasilinta Amaanka Magaalada Muqdisho ay saaka baaritaano xoog leh ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan.
Ciidamo la sheegay inay ka tirsan mialteriga laakiin la sheegay in qaab beeleed u abaabulan yihiin ayaa rasaas kala hor yimid ciidamada ammaanka, waxayan wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiyaha Waaxda Kamhuuriya ka tirsan degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ku dhintay iska hor imaadka labada ciidan, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Jiis.
Rasaas ayaa weli laga maqlayaa xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, iyadoo ciidamada weerarka soo qaaday la sheegay inay dib u gurteen.
LA SOCO FAAFHAAHINTA…