Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugnaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya inay ka baxeen xalay iyo saaka, waxayna ciidamadaasi isugu jiraan ciidamo milateri iyo boolis ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay dhaqdhaqaaq weyn oo laga dareemay inay kooxda Alshabaab ka wado Gobolka kuna soo fool leedahay magaalada, taasoo keentay inay Alshabaab si dhib yar ku qabsadaan magaalada.
Lama oga sababta keentay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka baxaan magaalo qiimahaas leh oo u banneeyaan inay Alshabaab la wareegaan, waxayna tani noqoneysaa jugtii ugu weyneyd ee ku dhacda AMISOM iyo ciidamada dowlada federaalka.
Waa magaaladii ugu weyneyd ay Alshabaab la wareegto tan iyo intii dib looga qabsaday 3 sano ka hor, waxayna tani beenineysaa wararkii madaxda dowladda Federaalka ee ah in Alshabaab ay sii tabar darreynayaan.
Wadani.com