Wararki ugu danbeeyay ee xaaladda ka dhalatay qalalaasihii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xiray qaar ka mida ciidamadii ay maanta la galeen xarunta Baarlamaanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa labaad.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay in ciidamaddii Saaka hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka intooda badan lasoo qabtay, baaritaanna lagu sameyn doono, iyadoo qaar kale oo dhar cad ahaa lagu daba jiro.
Taliyaha oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidamadii maanta gudaha u galay xarunta golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khalkhalka geliyay, iyadoo la aqoonsaday laguna daba jiro.
“Wararka aan helnay waxay sheegayaan inay jiraan Ciidamo kale oo aan kamid aheyn Ciidanka qalabka sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidanka, iyaggana waan oggaaneynaa, waana soo qabaneynaa, hadda arrinta si nabad ah ayey ku dhammaatay, xasilooni ayaa jirta, wax dhibaato ah ma jirto, ciddii isku dayda inay ka boodaan sharuucda dalka tallaabo fiican oo munaasib ku ah ayaa laga qaadi doonaan” ayuu mar kale yiri Jeneraal Gorod
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaayaan ku dhowaad 30 oo ay ka tisanaayeen ururka 60aad ee madaxtooyada, iyadoo uu baaritaan ku socdo.