Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa kacsan, kadib markii ciidamo ka amar qaata hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud oo ka tegay degaanka Guriceel ay gaareen magaaladaasi.
Ciidamada Ahlu suna ee magaalada tegay ayaa abuuray xiisad, kadib markii ay hubka dagaalka iyo hub culus la galeen magaalada, waxaana amarka ciidamadan uga baxeen Guriceel ee ay ku galeen magaalada Dhuusamareeb uu bixiyey Macalin Maxamuud oo dadaal ugu jira inuu dib ula wareego gacan ku heyta magaalada Dhuusamareeb iyo Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.
Ciidamadii hore ee Ahlu suna ee ku biiray dowladda Somalia iyo ciidamo kale oo dowladda ku biirisay ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada Dhuusamareeb, waxaana ciidamadaasi ay diideen amarka iyo rabitaanka hoggaaminaya Ahlu suna, taasoo keentay inuu macalinka dalbado ciidamadii ku sugnaa Guriceel.
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada ayaa sheegaya inuu socdo dadaal lagu doonayo in xal loogu helo dhaqdhaqaaqa uu bilaabay hoggaamiyaha Ahlu suna, waxaana dhowaan war kasoo baxay madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir lagu sheegay in dowladda Somalia ay jebisay heshiiskii ay la gashay Ahlu suna.